Daawo: Cabdirashiid JANAN oo shaaciyey sababaha ku kalifay inuu la heshiiyo DF

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Amniga maamulka Jubaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa galabta gaaray Magaalada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo, kadib heshiiskii uu la galay dowladda federaalka oo in muddo ah is hayeen.

Cabdirashiid Janan ayaa kadib markii lagu soo dhaweeyay magaalada Beled-Xaawo oo ay ku qaabileen wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Gedo, ayaa waxa uu ka hadlay sababaha ku kalifay inuu la heshiiyo dowlada.

Janan ayaa sheegay inuu u tanaasulay dhibaatooyin faro badan oo uu sheegay inay wajahayaan shacabka gobolka Gedo, islamarkaan uu ula heshiiyay dowladda federaalka, kuwaasi oo ay kamid yihiin; Abaarta, Xanuun & Soo labo kacleynta Coronavirus.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dagaalkii u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland ee ka taagna gobolka Gedo uu soo afmeermay, isagoo ku hadlaya magaca maamulka Jubbaland oo uu hore uga tirsanaa, maadama uu xilka ka qaaday madaxweyne Axmed Madoobe.

“Waxaa rabaa in aan idin xaqiijiyo ma maqli doonta, mana arki doontaan colaadii gobolka Gedo ka jirtay ee u dhaxeysay dowladda federaalka ah iyo maamulka Jubbaland, File-kaas waa soo xirnay waana dhamaaday. Waxaa ugu talo-galnay in aan ugu hiilino umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan umadda degan Gobolka,” ayuu yiri Wasiirkii hore ee Amniga maamulka Jubbaland.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in mardambe uusan qeyb ka noqon doonin dagaal ka dhaca gobolka Gedo oo ay isku haystaan dowladda federaalka iyo Jubbaland oo uu hore uga tirsanaan jiray Cabdirashiid Janan.

Cabdirashiid Janan oo hore uga tirsanaa dowlad goboleedka Jubbaland ayaa hadda banaanka ka jooga kadib markii uu heshiis la galay dowladda, mana cada go’aanka ay maamulkiisi ka qaadan doonaan arrinta uu balan qaaday maante ee inuusan dagaal dambe ka dhaceyn gobolka Gedo.