Daawo: Muxuu ahaa ujeedka kulanka R/W Rooble, Aadan Madoobe iyo Dhabancad?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa booqasho iyo hambalyo ugu tagay guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo guddoomiyihii KMG ahaa ee Golaha Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad.

Ra’iisul Wasaaraha oo la afuray labada masuul ayaa guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ugu hambalyeeyay mas’uuliyadda Qaran ee loo doortay, wuxuuna rajeeyay guul iyo shaqo hufan.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddoomiyihii KMG ahaa ee Golaha Shacabka uga mahadceliyay howshii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay isagoo ku amnaanay sidii uu hoggaamiyay howshii doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo si guul ah ku soo idlaatay,” ayaa lagu yiri qoraal uu xafiiska Rooble ka soo saaray kulankaas.

27-kii ilaa 28-kii bishaan ayaa lagu guuleystay in baarlamaanka cusub ee 11-aad uu yeesho guddoon rasmi ah, iyadoo ay xusid mudantahay in caqabado siyaasadeed oo aad u badan ay doorashadaas u dhigtay Villa Somalia.

Sida lagu shaaciyey fariin caawa loo diray Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaa berri oo Sabti ah xarunta Villa Hargeysa ka furmaya kulankii ugu horeeeyey ee xildhibaanadu ay isugu yimaadaan, iyagoo leh guddoon rasmi ah.

Ajendaha kulanka berri oo seddax qodob ah ayaa kala ah:

1 – Hadal jeedinta Cabdisalaan Axmed Dhabancad oo ahaa Gudoomiyihii KMG ee Golaha Shacabka.

2 – Hadal jeedinta iyo xil-wareejinta Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ahaa Gudoomiyihii Golaha Shacabka ee Baarlamaankii 10-aad.

3 – Hadal jeedinta Sheekh Aadan Madoobe Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

Hoos ka eeg muuqaalka iyo sawirrada kulankaas