Kulan xasaasi ah oo u socda mucaaradka DF + Ujeedka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka ee la magac baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa haatan shir xasaasi ah wuxuu uga socdaa hoteelka Jasiira ee magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka.

Xubnaha mucaaradka ayaa si buuxda uga qayb-galaya shirweynahan, waxaana guddoominaya Madaxweynihii hore ee dalka, Mudane Sheekh Shariif Sheekh oo ah hoggaamiyaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

Wararka ayaa sheegaya in shirkan diiradda lagu saarayo xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, amniga, dastuurka iyo khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah Maamul-goboleedyada dalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, doodda ugu wayn ayaa la xiriirta qaddiyadda doorashada oo ay weli isku hayaan Villa Somalia iyo mucaaradka, waxaana la filayaa in shirka laga soo saaro go’aanno wax ku ool ah.

Sidoo kale, mucaaradka ayaa shirkooda galabta kusoo qaadi doono murannada dhulalka ee ka taagan caasimada, maadaama ay weli dowladdu sii wato howlaha burburinta, isla markaana haatan la barakiciyay qoysas horleh.

Shirkan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla markaana muddo dheer ay soo socdeen wada-hadallo u dhexeeyay labada dhinac, inkastoo ilaa iyo hadda aan lagu gaarin wax natiijo ah, waxaase sii socda dadaallada xal raadinta.

Beesha caalamka ayaa sidoo kale qayb ka ah dhex-dhexaadinta, iyada oo dowladda iyo mucaaradka ku cadaadineysa inay heshiis ka gaaraan nooca doorasho ee dalka ka dhaceyso, si xal loogu helo khilaafka daba dheeraaday.

Si kastaba ha’ahaatee, Dadaallada socda ayaa ah kuwa muhiim u ah mustaqbalka geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka iyadoo indhaha lagu hayo natiijada wada-hadallada iyo haddii ay dhinacyadu isku fahmaan kulamadooda.

- Advertisement -

Read more

Local News