Maamulka iyo bulshada Garbahaarey oo si adag uga hor yimid qorshaha Rooble

Garbahaarey (Caasimada Online) – Maamulka degmada Garebahaarey ee gobolka Gedo iyo waxgaradka magaaladaas ayaa bayaan ay soo saareen waxay ku sheegeen in guddiga uu Ra’iisul Wasaare Rooble u xil-saaray qiimeynta Garbahaarey aysan imaa Karin magaaladaas.

Guddoomiyaha magaalada Garbahaarey Xasan Sheekh ayaa si toos ah fariin ugu diray ra’iisul wasaare Rooble, isagoo u soo jeediyey in doorashada Garbahaarey uusan ku ceeboobin.

“Qof kasta oo Soomaali ah waxaan u sheegeynaa, anagu waxaan raacnay habraacyadii iyo heshiisyadii doorashada dalka laga gaaray, laakiin waxaan hadda direynaa baaq ah, in guddi aan aheyn kan doorashooyinka federaalka iyo xalinta khilaafaadka aan loo soo dirin Garbahaarey,” ayuu yiri Guddoomiye Xasan Sheekh.

Sidoo kale war-murtiyeedka ka soo baxay reer Garbahaarey ayaa Ra’iisul wasaaraha looga dalbaday in aan loo soo dirin guddiyo aan aheyn kuwa doorashada ee heer federaal.

“Bulshada gobolka Gedo waxay soo jeedinayaan in aysan aqbaleyn wax aan ka aheyn heshiisyadii laga gaaray doorashada Garbahaarey,” ayaa lagu yiri bayaankaan wadajirka ah.

Hoos ka daawo war-murtiyeedka iyo hadal jeedinta guddoomiyaha Garbahaarey