Jowhar (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta magaalada Jowhar kaga dhawaaqay natiijada doorashadii maalmo kahor ka dhacday deegaannada Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.
Guddoomiyaha guddiga, Cabdikariim Axmed Xasan ayaa sheegay in doorashadu ka qabsoontay 10 degmo, iyadoo tartanka ay ka qayb galeen 13 urur siyaasadeed oo ku loollamay 99 kursi oo Golaha Wakiillada ah.
Tirada guud ee codadka la dhiibtay ayaa gaartay 114,633, waxaana guddigu sheegay in 112,451 kamid ah ay ahaayeen codad ansax ah, halka 2,182 cod loo aqoonsaday kuwo aan ansax ahayn.
Natiijada la shaaciyay ayaa muujineysa in ururka Caddaalad iyo Midnimadda Tiir uu ku guuleystay 759 cod iyo hal kursi, halka Madalsan uu isna helay 911 cod iyo hal kursi.
Ururka Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa helay 122 cod iyo hal kursi, halka Dimuqraadiga Soomaaliyeed uu ku guuleystay 2,368 cod iyo laba kursi.
Caddaaladda iyo Wadajir ayaa noqday ururka ugu codadka badan, isagoo helay 88,130 cod iyo 78 kursi halka Dadka Soomaaliyeed uu helay 113 cod, balse uusan wax kursi ah ku guuleysan.
Sidoo kale, Ururka Iftiin Qaran ayaa helay 6,165 cod iyo shan kursi, halka Karaama uu helay 6,875 cod iyo lix kursi.
Ururka Saab ayaa sidoo kale helay 120 cod, balse uusan wax kursi ah ku guuleysan, halka Dan Shacab uu isna helay 51 cod, mana helin wax kursi ah.
Ururka Sincad ayaa helay 3,701 cod iyo saddex kursi, halka Dhallinyarada Talo-Qaran ay heleen 97 cod, balse uusan wax kursi ah ku guuleysan. Ugu dambeyn Ururka Ramaas ayaa isna helay 1,939 cod iyo laba kursi.
Doorashadan ayaa qayb ka ah hannaanka doorashooyinka qof iyo cod ee Soomaaliya, iyadoo guddigu sheegay in doorashooyinku ay u dhaceen si nabdoon oo xor ah.
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa sidoo kale sheegay in howlaha ka socda dowlad-goboleedyada iyo Banaadir ay qayb ka yihiin diyaar-garowga doorashooyinka heer federaal ee Soomaaliya.

