QOOR QOOR oo shaaciyey sababta ay u tageen Baydhaba, raali gelina bixyey + Video

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo galabta gaaray magaalada Baydhaba ee gobolka Bay ayaa warbaahinta u dharaxay qorshaha safarkooda Koonfur Galbeed.

Qoor Qoor ayaa sheegay in u jeedka safarkooda uu yahay inay xaliyaan tabashada ay Koonfur Galbeed ka qabto doorashooyinka, gaar ahaan khilaafka Laftagareen iyo Rooble ee salka ku haya kuraasta la go’aamiyey in dib loogu laabto doorashadooda.

Sidoo kale Qoor Qoor ayaa reer Koonfur Galbeed galabta ka raali geliyey wax kasta oo ay u arkeen in looga gardaran yahay, isagoo u balan qaaday in ka wafdi ahaan ay wax kasta oo tabasho ah diyaar u yihiin inay xal kama dambeys ah ka keenaan.

Axmed Qoor Qoor ayaa Cabdicasiis Laftagareen ku amaanay in ‘kaalin nabadoonimo uu ka cayaaray’ doorashooyinkaan jiitanka dheer soo maray ee Soomaaliya ka socda.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa carabka ku adkeeyey in uusan jirin reer, maamul ama qof Soomaaliyeed oo laga socon karo, isagoo tabasho ka qaba howlaha socda ee doorashooyinka.

“Hadii warar meelaha qaar laga maqlay wax Soomaali u dhahan ama reer Koonfur Galbeed qabta maaha, doorashadu wada ogol iyo tanaasul ayey halkaan ku soo gaartay, saas ayey ku soco doontaa, anaguna xalkeedii ayaan u soo aadnay Baydhaba,” ayuu yiri Qoor Qoor.

Wafdi xildhibaano ah oo maanta ka baxay Muqdisho ayaa Axmed Qoor Qoor ka waday Dhuusamareeb, waxayna caawa u hoydeen Baydhaba, halkaas oo ay ku xayiran yihiin in ka badan 70 xildhibaan oo laga hor istaagay inay shahaadooyinkooda qaataan oo dhaarin u soo diyaar garoobaan.

Sababta ka dambeysa in xildhibaanadaas lagu xayiro Baydhaba waa in guddiga doorashooyinka heer federaal uu diiday natiijada seddax kamid ah kuraastii lagu doortay magaalada Baydhaba, taas oo Cabdicasiis Laftagareen uu aad uga carooday.

Haatan Qoor Qoor iyo koox Xildhibaano ah oo ay ka mid yihiin Mahad Salaad, Cabdullahi Sanbaloolshe, Senator Dhegdheer iyo Mahad Cawad ayaa Baydhaba u jooga inay xal ka keenaan khilaafkaan salka ku haya natiijada seddax ka mid ah kuraasta golaha shacabka ka soo gashay deegaanada maamulkaas.

Hoos ka daawo hadalkii uu jeediyey Qoor Qoor