ROOBLE oo ku dhowaaqay shir deg deg ah (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xilka sii-hayaa Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku baaqay xabbad joojin ka dhacda magaalada Muqdsho, iyo shir degdeg ah oo la iskugu yimaado sida ugu dhaqsiyaha badan.

Rooble ayaa hadalkan jeediyey kadib markii uu galabta la kulmay xubnaha bulshada rayidka Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay inuu ka xunyahay dhibkii ka dhacay magaalada Muqdisho 24-kii saac ee u dambaysay.

Waxa uu sheegay inuu ku baaqayo shir degdeg ah oo ay kasoo qaybgalaan waxgaradka Muqdisho iyo siyaasiyiinta, kaasi oo uu sheegay in xaaladda lagu dejinayo looga arrinsanayo amniga.

Waxa uu sheegya inuu ciicdanka farayo sugidda amniga muwaadiiinta, difaacda dalka, iyo la dagaalanka argagixisada, islamarkaana aysan siyaasadda ku milmin.

Hadalka kasoo yeeray Rooble ayaa waxaa durba hareeyey su’aalo, ayada oo dadka ay is-weydiinayaan sababta uusan ula kulmin dhinacyada ay dowladda ay is-hayaan, iyo waxa uu soo kordhin karo shir aanu kala tashan ama kala Shirin mucaaradka.

Tan iyo markii xiisadda colaadeed ka billaabatay Muqdisho, Rooble ayaa waxaa lagu dhaliilayey inuusan aheyn shaqsi go’aan qaadan kara, si uu u bad-baadiyo magaalada iyo shacabeedka oo xaalad kasii dareysa wajahaya.

Kadib dagaalladii shalay iyo xalay ka dhacay Muqdisho, Rooble ayaa soo duubay muuqaal uu xalay ciidanka ku faray inay gutaan waajibkooda, ayna la-dagaalamaan dadka wada khal-khalka amni, sida uu hadalka u dhigay, hadalkaas oo ka carreysiiyey mucaaradka, siina fogeeyey rajadii laga qabay xal laga gaaro xiisadda magaalada.