Rooble oo jawaab kulul ka bixiyey falkii ay ku kaceen Amisom, qaaday tallaabo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii ugu horeysay ka hadlay falkii ay ciidamo ka tirsan AMISOM dil wadareed ugu geysteen dad shacab ah oo degaan magaalada Golweyn ee gobolka Shabeellada Hoose 10-kii bishan.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa maanta u yeeray safiirka dowladda Uganda u joogay Soomaaliya iyo taliska ciidanka AMISOM, waxuuna kala hadlay dhacdadii xanuunka badneyd ee dadka rayidka ah ay ku laayeen, kuwaas oo aan weli meydadkooda la’aasin.

Rooble oo kulankii uu xubnahaas la yeeshay kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in guddi heer wasiirro ah uu u xil-saaray baaritaanka dhacdadaas xanuunka leh ee ciidanka AMISOM ay u geysteen shacabka reer Golweyn.

“Waa arrin foolxun oo aan aad uga damqanay, waxaa maanta tacsi iigu yimid safiirka Uganda iyo taliska AMISOM, cid aan ka aqbaleyno ma jirto in dhib loo geysto shacabka Soomaaliyeed, waa lama taabtaan shacabkeenu, waxaan diyaar u nahay oo naloo igmaday inaan u istaagno oo xaqooda aan u soo dhicino, sidaas darteed waalidiinta Soomaaliyeed ee dadkoodii la dilay waxaan leeyahay samir Allaha naga siiyo dadkaas,” ayuu yiri R/Wasaare Rooble.

Waxa uu sheegay in guddi uu u saaray baaritaanka qaabkii loo dilay dadkaas, isla markaana ay sida ugu dhaqsaha badan bulshada ula soo wadaagi doonaan wixii kasoo baxa baaritaankaas.

“Waxaan magacaabay guddi wasiirro ah oo kala ah, wasiir amniga, wasiirka cadaaladda, wasiirka gaashaandhigga iyo wasiirka arrimaha gudaha oo berri la kulmi doona safiirka Uganda iyo taliska AMISOM, arrintaas ayey ka hadli doonaan, safiirka iyo saraakiishu waxay ii xaqiijiyeen in ciidankii dhibkaas geystay gacanta lagu hayo oo maxkamad lasoo taagi doono, anagana waan ku daba geleynaa, wixii kasoo baxana gadaal ayaan idinkala soo wadaagi doonaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray ra’iisul wasaare Rooble.

Tan iyo 10-kii bishaan ehellada dadkii lagu dilay Golweyn waxay dalbanayeen in cadaalad ay helaan oo ciidanka AMISOM ay qirtaan dhibka ay geysteen, iyagoo sheegay in kulamo ay la qaateen saraakiisha AMISOM ay ka meer-meereen qirashada gabood falkaas, waxayna ehelladu wacad ku mareen in meydadka dadkaas oo juwaano ku jira aan la aasi doonin, illaa inta ay ka helayaan cid qaadata mas’uuliyadda dilkooda.

Banaanbaxyo waaweyn ayey ka dhigeen magaalooyinka Muqdisho, Golweyn iyo magaalooyin kale oo ka kala tirsan labada Shabeelle, waxayna cod dheer ku sheegeen in AMSIOM ay tix-gelin ka waayeen, taasna aysan aqbali doonin.

AMSIOM ayaa 10-kii bishaan hal goob ku dishay 7-qof oo ku sugnaa deegaanka Golweyn, waxayna markii ay toogteen kadib ku qarxiyeen miino, taas oo jirkoodii ka dhigtay mid goo-go’ay oo juwaano lagu guray, illaa hadana waxa uu ku jiraan qaboojiye, sida ay sheegeen ehellada dadkii la laayey.

Hoos ka daawo Rooble