Daawo Sawirada: Qaabka ay Ciidamada Puntland ula wareegen Qandala

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Qandala ee Gobolka Bari, ayaa waxaa ka dhacay dagaal xoogan oo khasaaro kala duwan uu kasoo gaaray dadka deegaanka kaasi oo u dhexeeyay Ciidamada maamulka Puntland iyo maleeshiyaadka Daacishta Somalia.

Dagaalka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa waxaa maleeshiyada Daacish looga qaaday Badda iyo Bariga waxaana markii danbe laga xoreeyay gabi ahaan Degmada Qandala.

Ciidamada maamulka ayaa hadda ku sugan inta badan Degmada Qandala waxaana la arkayaa Ciidamo aad u gaashaman oo howlgalo ka sameynaaya qeybaha kala duwan Qandala.

Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah oo gaaray degmadda Qandala ayaa u sheegay VOA-da in ciidamada Puntland ay dhinac badda iyo Beriga ka weerareen magaaladda, oo ay ka qabsadeen Barqanimadii Shalay.

Wuxuu sheegay in howlgalkii lagu xoraynayay Qandala ay ku dileen 30 maleeshiyaadka Daacish, in ka badan 35 kale ay dhaawacmeen.

wuxuuna sheegay in dhinacooda ay soo gaartay dhaawaca 5 askari, oo laba ka mid ah u soo gaaray dhaawac culus.