Daawo sawirrada sida ay ciidamada Jubaland iyo kuwa Amisom ula wareegen deeganada…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo kuwa Nabad ilaalinta AMISOM ay la wareegeen deegaanno dhaca Duleedka Magaaladaasi Kismaayo.

Deegaanada ay la wareegen ciidamada is garabsanaaya ayaa waxaa kamid ah deegaanada Cabdalla Biroole oo qiyaastii 40 KM u jira Kismaayo.

Sidoo kale Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa la sheegay in ay la wareegeen Deegaanka Janaay Cabdalla oo isna qiyaastii 60-KM Kismaayo kaga beegan xaga Galbeedka iyo Deegaanka Beerxaani.

Wararka ayaa sidoo kale waxa ay tilmaamayaan in Ciidamadaan ay deegaanadaasi la wareegeen kadib markii sacaado ka hor halkaas Al Shabaab ay isaga baxeen.

Ciidamada wadajirka ah ayaa la sheegay in sidoo kale ay ku wajahan yihiin deegaanka Beerxaani oo qiyaastii 60 Km dhinaca Galbeed kaga beegan Magaalada Kismaayo.

Waxaana deegaankaas iyo kuwa kaloo ku teedsan ku sugan dagaalyahanno ka tirsan maleeshiyaadka Al Shabaab.
dagaal-1

dagaal-2

dagaal-3

dagaal-4

dagaal-5

dagaal-6

dagaal-7

dagaal-8

dagaal-9

dagaal-10

dagaal-11