Arag Sawirrada: Soomaaligii lagu dhaawacay Papua New Guinea

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta caalamka ayaa aad u hadal heysa dhaawac soo gaaray muwaadin Soomaaliyeed oo magaciisa lagu sheegay Mascuud Cali Sheekh, kaasi oo ku nool Dalka Papua New Guinea.

Muwaadinkaani Soomaaliyeed ayaa waxaa dhaawac culus madaxa ka gaarsiiyay Kooxo la sheegay inay u dhasheen dalka Dalka Papua New Guinea, waxaana la tilmaamay in muwaadinkaasi uu ka shaqeyn jiray Hay’ad Samafal.

Muwaadinkaani ayaa waxaa weerarka lagu dhaawacay ku qaaday dhalinyaro tiradooda lagu sheegay 7 kuwaasi oo madaxa ka gaarsiiyay dhaawaca.

Dhaawaca muwaadinkaani Soomaaliyeed ayaa iminka la dhigay Isbitaal ku yaalla Jasiiradda Manus ee dalkaasi.

Dhaawacyada ayaa inta badan ka gaaray madaxa iyo lafaha waxaana iminka ay dhakhaatiirto ka deyrineysaa dhiig la sheegay inuu madaxa uga furmay.

Waxaa uu dowladda dalkaasi ka codsaday in ay caawiyaan islamarkaana u qaadaan isbitaal ka wanaagsan midka uu hadda ku jiro.
1

2-4-1

3