Sawirro: Silaca iyo saxariirta ay Shabaab u aasaan meydadkooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Shabakadda Caasimada Online ayaa dadaal dheer kadib u suuragashay inay hesho xaqiiqda dhabta ah ee ka turjumeyso qaababka foosha xun oo maleeshiyaadka Al-shabaab u aasaan dagaalyahaanada kaga dhinta dagaalada.

Maleeshiyaadka oo xiligaani firxad ah, ayaa waxa ay si degdeg ah ku aasaan dagaalyahaanada kaga dhinta dagaalada kuwaasi oo aasidooda aan loo marin sida sharciga islaamka uu qabo, waxa ayna u xaar xaaran godad dhowr ah halkaasi oo ay ku shubaan meydadka kadibna ku aasaan iyaga oo aan meydkaasi karfanin, dhaqin, sagootin, una adeegsan maqaamkii uu mudnaa marxuumkaasi ay ku haligeen dagaalka.

Meydadka qaarkii ayey u qodaan godad aad u yar kaasi oo aan asturi karin Meydka loogu tallo galay in lagu aaso.

Aaska noocaasi ah ayaa inta badan ka dhaca Gobolka Shabellaha Hoose, waxa uuna aaskaasi walaac galiyay dadka shacabka ah oo aan ka joogi karin Urka meydadkaasi.

1

2

3

4

5

6

7