Muqdisho (Caasimada Online)- Dab qasaaro hantiyadeed geystay ayaa maanta ka kacay kaalin shidaal oo ku taala magaalada Muqdisho.
Kaalinta Shidaal oo uu dabka ka kacay ayaa ku taalay isgoyska Black Sea ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegayaa in dabka uu ka bilowday dab kale oo ka agdhawaa goobta shidaalka lagu hayay.
Maamulka degmada Howlwadaag ayaa sheegay inay ku guuleysteen markii dambe iney damiyaan dabka, laakiin uu burburiyay goobtii shidaalka iyo guryo ku yaalay agagaarka goobta dabka kakacay
Sidoo kale maamulka ayaa sheegay inay baarayaan waxyaabaha dhabta ah ee ka dambeeyay inuu dabkaasi ka kaco kaalinta shidaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

