25.9 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Daawo Sawirrada: Muqdisho oo la soo baxday bilic aan caadi ahayn

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, ayaa waxaa laga dareemayaa isbedel muuqda oo dhan waliba leh wixii ka dambeeyay sanada 2015.

Magaalada ayaa waxaa ka muuqda Horumar dhinacyo badan leh sida Ganacsiga, Bilicda, Horumarka guud iyo Amniga, waxa ayna iminka caasimada u dhigantaa Caasimadaha kale ee adduunka.

Caasimada ayaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay ka soo kabaneysa bur burkii iyo daqaradii ka soo gaaray dagaaladii dalka hala-keeyay.

Xiliyada Habeenkii ayaa waxaa magaalada Muqdisho laga dareemayaa bilic wanaagsan, waxaana ifa intabadan magaalada.

Dadka Shacabka ah ayaa xili walba dalxiis iyo damaashaad u taga goobaha bulshada sida beerta nabadda, xeebta Liido iyo deegaanka Jaziira.

Hadaba waxaa halkan idinku soo gudbineynaa Sawirro muujinaya bilicda magaalada Muqdisho iyo is bedel weyn oo ka muuqda.

- Advertisement -

Read more

Local News