Daawo Sawirro muujinaaya ololka ka baxay Hotel Saxafi iyo sida loo gurayey dadka la gummaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyay ee weerarkii Hoteel Saxafi ee Muqdisho ayaa sheegaya in khasaarihii ka dhashay ay tiradoodu gaarayso ugu yaraan 15-qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan, waxaana ka hadlay weerarkaan wasiirka warfaafinta Soomaaliya.

Dadka ku dhintay weerarkaan waxaa ku jira mas’uuliyiin dowladda Soomaaliya ka tirsan, kuwaas oo uu ku jiro xildhibaan Maxamed Cabdi Abtidoon oo ka tirsan baarlamaanka FS, abaanduulihii hore ee ciidamada xoogga Soomaaliya, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan ”Dhego-badan”, milkiilihii Hotel Saxafi, C/rashiid Shire Il-qabte, Mustaf Cabdi oo ahaa wariye la shaqeynayay telefishinka Al-jazeera.

Ilo wareedyo ka tirsan booliiska Somalia ayaa sheegay in weerarka lagu dilay 15-ruux oo isugu jira shacab iyo mas’uuliyiin dowladda ka tirsan, ayna ciidamada dowladda Somalia ku guuleysteen inay soo af-jaraan weerarka.

Madaxweyne Xassan oo weerarka ka hadlay ayaa cambaareeyay weerarka ay Al-shabaab ku qaadeen Hoteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku laayeen mas’uuliyiin dowladeed iyo dad rayid ah.

“Waan cambaareyneynaa weerarkan, marnaba kama daali doonno dagaalka, ilamaa aan gebi ahaanba ka baabi’inno Alshabaab”

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan eheladii ay ka geeryoodeen mas’uuliyiiintii iyo dadkii rayidka ahaa ee ku geeryooday weerarkii aragagixisada Alshabaab ku qaadeen Hotel Saxafi.

Waxaa sidoo kale weerarka ka hadlay Wasiirka Amniga Gudaha oo sheegay in ragii soo weeraray Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho ay gaarayaan 5 ruux oo hubaysnaa oo Shababa ka tirsanaa.

Wasiir C/risaaq waxa uu sheegay ciidamada ammaanka Dowladda Federalka Somalia ay ku guuleysteen soo afjarida weerarkaasi, islamarkaana la toogtay shantii ruux ee weerarka soo qaaday.

Wasiir C/risaaq waxa kale uu sheegay laamaha ammaanka Dowladda Federalka Somaliya inay wadaan tirakoobka Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADII UGU DANBEEYAY EE HOTEELKA LAGA SOO QAADAY

11

12

13

Qarax 3

1

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18

19

20

22

23

24

25

26

27

28

29

30

31

32

33

34

35

36

37

38

39

40

41

42

43

44

45

Qarax

Qarax2