Daawo sawirro yaab leh oo muujinaya Al-Shabab oo ku jees-jeeseysa salaadda iyo weesada + Aqri

Muqdisho (Caasimada Online)-Maleeshiyada Al-shabaab garabka ku sugan Gobolka Sh/Hoose, ayaa soo bandhigay Tartan loo qabtay dhalinyaro ka tirsan maleeshiyada kuwaasi oo si jeejees ah ugu tartamaaya dukashada Salaada iyo weysaqaadka.

Tartankaani oo aan horay loogu arag dunida ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Bariire ee Gobolka Shabeelaha hoose, iyadoona ay goobjoogayaal ka ahaayen madasha tartanka Horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab.

Maleeshiyada ayaa tartankaani jeejeeska ah u qabtay ilaa 8 masaajid oo lagu tartansiinaayay boobsiinta Salaada iyo Weysaqaadka oo diinta suuban ay na fareyso in si degan waajibkaasi ay u gutaan dadka muslimka ah.

Masjid kasta ayaa waxaa laga soo xulay 1 ruux iyadoona guud ahaan tirada tartanka loo qabtay ay ahaayen 8 ruux oo ay ku jirto degdeg.

Sideedii qof ayaa mid mid waxay usoo dhex fariisteen dadwaynihii iyaga oo biyahooda wata waxa ayna ku dhex waysaysteen bulshada dhexdeeda, kadibna waxa xigay in masjid kasta uu iska soo xulo shan qof oo ugu matala tartanka salaadda, masjid kastana waxa la faray in uu hal rakco uu tukado.

Ragga tartamaayay waxaa sidoo kale la faray in 3 mirir ay ku weysqaatan kuna dukadaan.

Tartamayaasha ayaa lagu amray inay duktaan 1 rakco oo aan la ogeyn halka ay diinta kaga jirto, waxa ayna taasi argagax galisay dadyowgii ku noolaa magaalada Bariire oo ay arrintaani ku cusbeyd.
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

111