Daawo: Booliska oo war ka soo saaray qaad lagu gubay Xamar iyo gaadiid la xayiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa galabta fagaare ku yaalla degmada Dharkenley, gaar ahaan saldhigga booliska degmadaas ku gubay jawaano qaad ah.

Qaadka la gubay ayaa la sheegay inuu gaarayo 250 jawaan, waxaana laga keenay dalka Kenya.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Sadiiq Aadan Doodishe oo warbaahinta kula hadlay goobta lagu gubay qaadka ayaa sheegay in xukunka lagu gubay qaadka ay riday maxkamadda gobolka Banaadir.

In la gubo qaadkaas ayuu sheegay inay u coskatay maxkamaddu laba qodob oo kala ah, in xayraadii Coronavirus aan weli laga qaadin Jaadka Kenya iyo in uusan canshuurneyn oo aan sharci lagu soo gelin dalka.

Sidoo kale 11 gaadiid ah oo isugu jira shan doonyo iyo lix gaari ayaa lagu soo rogay xayiraad, kuwaas oo loo heysto inay qaadkan soo geliyeen magaalada Muqdisho, sida uu sheegay afhayeenku.

Ugu dambeyntii Taliska booliska Soomaaliya ayaa digniin adag u diray ganacsatada qaadka sida dhuumaaleysiga ah ku soo gelisa dalka, iyadoo ciidamada ammaanka la faray inay aragti dheer u yeeshaan qaadka dalka lagu soo gelinayo hanaanka aan sharciga aheyn.

Hoos ka Daawo