Daawo: Taliyihii 27-aad oo ka hadlay dagaalkii beesha Xawaadle iyo Al-Shabaab

Muqdisho (Caaimada Online) – Taliyihii hore ee qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Axmed Tareedishe oo caawa warbaahinta la hadlay ayaa bogaadiyey dagaalka ay macawiisleyda gobolka Hiiraan kala hor tageen kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa si gaar ah uga hadlay dagaal 2-dii bishaan lagu dilay ku dhawaad 20 Shabaab ah oo ka dhacay degaan lagu magacaabo Booco oo hoos taga magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Dagaalkaas oo ay qaadeen Macawiisley ka soo jeeda beesha Xawaadle ayaa loogu aar-guday Nabadoon lagu magacaabi jiray Cali Dheere oo 27-kii May lagu dilay gudaha magaalada Beledweyne, xilli habeen ah.

Nin ka mid ah ragga weeraray Al-Shabaab ee beesha Xawaadle oo laba maalmood ka hor la wareystay ayaa sheegay inay weerarka ka hor la xariireen kooxda, iyagoo weydiiyey sababta loo dilay Nabadoonka, balse wuxuu sheegay in si kibir ku jiro ay ugu jawaabeen, iyagoo uga been abuurtay inuu ku jiray ergadii xildhibaanada soo dooratay.

“Nabaddoonkeennii oo aan naqaanno in uu ahaa nin nadiif ah oo Muslim ah, ummadda aan dhibaatayn, cid kale aan gardaysan, doorasho aan ka qaybgelin, ergo kale aan ka qayb qaadan, ayay noo sheegeen in uu gaal murtad ah ahaa, jawaabtooduna nalama su’aali karo ayay noqotay, si isla weyni leh ayay noola hadleen,” ayuu yiri nin ka mid ah dableyda dagaalka ku qaadday Al-Shabaab oo sababo amni dartood u codsaday in aan la magacaabin.

Jeneraal Taraadishe oo si weyn u bogaadiyey dagaalkaas ayaa ugu baaqay qabaa’ilka gobollada dalka inay is abaabulaan oo iska dul qaadaan Al-Shabaab.

Wuxuu dowladda Soomaaliya u soo jeediyey inay gacan siiso kooxaha Macawiisleyda ah ee is abaabula, si deegaanadooda ay uga ciribtiraan Al-Shabaab.

Sidoo kale Janankaan oo mudo soo hoggaaminayey qeybta 27-aad ee militeriga Soomaaliya ayaa ka sheekeeyey dagaalo ay la galeen Al-Shabaab, iyagoo kaashanaya macawiisley, isagoo ku amaanay qibradda ay u leeyihiin macawiisleydu dagaallada ay la galaan Al-Shabaab.

Hoos ka daawo