27.9 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Daawo Video: Adeeg aan Muqdisho 22 sano lagu arag oo uu Turkey hirgeliyay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ayada oo Turkiga uu weli sii wado caawimaadda shacabka Soomaaliyeed, ayaa waxa ay iminka magaalada Muqdisho ka hir geliyeen adeeg 22 sano aan Muqdisho lagu arkin.

Adeegaan oo ah mid shacabka Soomaaliyeed aysan arkin mudo 22 sano ah, ayaa waxaa hirgelintiisa iska leh Hay’addaha dib u dhiska iyo howlaha kale ka wada Muqdisho ee dalka Turkiga, kaasoo dadka u sahlaya iney ku noolaadaan meel nadiif ah.

Adeegaan oo ah mid dadka xaafadaha ay qashinka dibada ugu soo saarayaan, kadibna ay ku shubayaan Haan loogu talagalay in raashinka haray iyo qashinka lagu shubo.

Waxaa ka arkeysaa Muuqaalkaan dad guryaha kasoo saaraya qashinka kadibna ku shubaya haanta loogu talagalay oo xili cayiman u imaanaya gaadiid loogu talagalay in uu qaado.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah howlaha nadaafadeed ee dowladda Turkiga ka hirgelisay Muqdisho, waana markii ugu horeysay burburkii kadib oo Muqdisho yeelato goobo cayiman oo qashinka la dhigo.

Halkan ka daawo howlaha ka socda Xamar

Isha: Warfaafiye.com

- Advertisement -

Read more

Local News