Daawo: Villa Somalia oo war cusub kasoo saartay shirkii Teendhada Afisyoone

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa markii ugu horeysay faahfaahin ka bixiyey shirarka Afisyoone uga socda madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, kuwaas oo illaa hadda aan wax natiijo ah laga gaarin.

Shirarkaas oo teendhada Afisyoone oo ku taalla gudaha xerada Xalane ka dhacay 3-dii iyo 4-tii bishan ayaa laga nastay Isniintii shalay iyo talaadada maanta ah.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo la hadlay BBC ayaa yiri “Kulamadaan ay labadii cisho ee u dambeeysay madaxdu yeelanayeen weli waa socdaan, laguma kala tegin, mana burburin, berri madaxdu waxay u balansanyihiin inay kulmaan oo horay u sii wadaan wadahadaladoodii hor dhaca u ah shirka wadatashiga Qaran,” ayuu yiri Cabdirashiid Xaashi.

Afhayeenka ayaa dhinacyada ka dalbaday in wax shuruud ah aan lagu xirin fulinta heshiiskii 17-kii September ay madaxdu kala saxiixdeen, si dalka loogu jaheeyo doorasho heshiis lagu yahay.

Shirka oo looga hadlayey ajandaha shirka doorashada ayaa Axaddii muddo hal maalin ah hakad la galiyey, kadib markii maalinkii labaad ee uu dhacay uu soo dhammaaday ayada oo aan wax heshiis ah laga gaarin dhammaan qodobada la isku hayo ee ku aadan ajendaha shirka, waxaana qorshuhu ahaa in dib loo billaabo maanta, balse hakad kale ayaa ku yimid, waxaana dib loo billaabayaa Arbacada.

Wararka ayaa sheegaya in imadaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu intii ay socdeen kulamadii u dambeeyey diiday dhammaan qodobadii ay wateen Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ee ay doonayeen in ajendaha shirka wada-tashi lagu soo daro, taasi oo keentay is-mari waa.

Waxaa qodobadaas ka mid ah; yareynta awoodda Madaxweynaha ee xilliga kala-guurka, weerarkii 19-kii Febraayo lagu qaaday dibad-baxayaal iyo qaar ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha, iyo in la ballaariyo ka qeyb-galayaasha shirka.

Hoos ka Daawo