Xasan oo baarlamanka ka sheegay arrin loo ogolyahay mucaaradka dowladda

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta si rasmi u furay kalfadhiga labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka.

Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa kusoo hadal qaaday xaaladda siyaasadeed ee ka taagan dalka, isaga oo u jawaabay xubnaha mucaaradka ee haatan dhaq-dhaqaaqyada ka wada gudaha magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in dowladdu ogoshahay banaanbax iyo isku imaatin, balse aysan aqbali doonin in hub lasoo qaato, lana qalqal-geliyo amniga dalka.

“Maanta qof kasta afkiisa xor ayuu u yahay Jasiira teg hoteel kale tag inta aanan amniga shacabka waxa u dhimeynin oo aadan qoray la cararaynin xor ayaa u tahay. Banaanbaxaa furan isu imaatin aya furay, talaa furan,” ayuuyiri Xasan Sheekh.

Waxaa kale oo uu intaas kusii daray “Awoodda qoray qaadashada iyo haddii wax lagu fulinayo sharciga dowladda ayuu siiyay bis, dowladda lafteeda sida ay rabto ma ahan, waana iska ilaalinaa in aan loo baahan”.

Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliyeed ay dadaal xooggan ku bixisay amniga dalka iyo hormarka dowladnimada, isla markaana ay ka go’an tahay in lasii wado geeddi socodka dowlad dhiska Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo horay mucaaradka iyo dowladda ay ugu dagaalameen xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, kadib dhaq-dhaqaaqyo ay degmooyinka qaar ka sameeyeen xubno kamid ah Golaha Mustaqbalka oo ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta, Jubbaland iyo Puntland.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad hubanti la’aan ah, waxaana la’isku hayaa hannaanka doorashada iyo wax ka beddelka dastuurka KMG ee dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News