Daaw: Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaar Jecel oo go’aan lama filaan ah ku dhowaaqay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac (Ciyaar Jecel) oo kamid ah xubnaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaliya ayaa shaaciyey in uu ka haray in uu markale u tartamo kursiga uu ku fadhiyo.

Ciyaar Jecel ayaa sheegay in tartanka kamid noqoshada Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya uu uga haray maadama uusan aqoonsaneyn sharciga uu dalka ku aaday doorasho dadban, kaasi oo uu sheegay inay ka dhalatay sida ay wax u socdaan iyo boobka baahsan ee ka jira doorashada Golaha Shacabka.

“Labo xildhibaan oo aniga ku jira xiligii la ansixinayay sharciga doorasho dadban lagu aaday waa diideen, dad badan oo maalintaas ila yaaban markaa diiday hadda waxay igu taageereen go’aankaas masiiriga ah ee aan qaatay. Go’aankaas wuxuu ahaa mid ka turjumayay waxa aan siyaasada ka aaminsanahay, waxaa haddana idin muuqata foolxumada ka socota maamulada dalka oo ay baalmareen habraacyadii, iskana soo qoranayaan qofka ay rabaan,” ayuu yiri.

“Waxaa ku wargelinaya umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan beesha iska leh kursiga tirsigiisa uu yahay HOP#089 in aan difaacaneyn oo u tartameyn sababaha aan soo sheegay awgood.”

Sidoo kale waxa uu musharaxiinta kursiga uu iskaga haray u hanqal taagaya u soo jeediyay inay ilaaliyaan maamuuska iyo magaca kursigan, oo ku asteysan xor iyo xalaal, sida uu sheegay.

Ciyaar Jecel ayaa maamulka Galmudug ee uu hogaamiyo madaxweyne Qoor-Qoor uga digay in uu isku dayo in uu musuq-maasuqo kuraasta Golaha Shacabka oo uu kamid yahay midka uu maanta iskaga haray tartankiisa.

“Doorashada waa inay noqoto mid qabiilada iska leh kuraasta si xor iyo xalaal ah uga tartamaan. Waxaa uga digayaa in la isku dayo fara-gelinta kursigan, waxaana qaba in haddii loo madax-baneyn waayo kursigooda, uu dhici karo qal-qal amni oo saameya guud ahaa Galmudug.”

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay dalka kasii socoto doorashada Golaha Shacabka, kadib heshiis ay 9-kii bishaan gaareen madaxda Golaha Wada-tashiga Qaranka, kaasi oo dhigaya in la soo gaba-gabeeyo 25 February ee sanadkaan, iyada oo ay soo if-baxayaan musuq-maasuq hor leh.