Muqdisho (Caasimada Onine) – Guddoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo xalay ka qayb-galay kulan ka dhacay hoteelka Jasiira ayaa u jawaabay siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo horjeedo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo dhawaan warqad furan u diray dalalka ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya.
Madaale ayaa ku eedeeyay mucaaradka in ay dalka dib u celinayaan, ayna wadaan tallaabooyin, sida uu sheegay wiiqaya horumarka dalka iyo geeddi-socodka dowlad dhiska.
“Niman odayaal ah oo saaxibo nahay warqado ayay dibadaha u diroowaan waxay leeyihiin amaa dib loo noqdaa, waxaan leeyahay dowladdaan waa dhaq-dhaqaaqday ee yaan dib loo celin,” ayuu yiri Guddoomiye Madaale.
Sidoo kale, guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, oo haddana kamid ah hoggaanka sare ee Xisbiga JSP ee Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in dalka uu aaday doorasho, isagoo tusaale usoo qaatay doorashada Galmudug.
Warqadda mucaaradka oo ku taariikheysneyd 27-ki bishaan July ayaa dalalka ciidamada ku biiriya AUSSOM looga codsaday inay taageeradooda Soomaaliya ku xiraan heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, iyadoo sidoo kale lagu soo jeediyey dhismaha gole ku-meelgaar ah oo si wadajir ah u kormeera marxaladda dastuurka iyo doorashooyinka.
Soo jeedintaas ayaa dhalisay muran xooggan, gaar ahaan qodobka ku saabsan dhismaha gole ku-meelgaar ah, oo siyaasiyiin ay ku jiraan xubno ka tirsan isbahaysiyada ku mideysan Golaha Mustaqbalka ay ku tilmaameen mid Soomaaliya dib ugu celin karta ku-meelgaarnimadii laga soo gudbay.
Si kastaba, dooddan ayaa khilaaf ka dhex dhalisay mucaaradka, kadib markii xubnaha qaar ay ka horyimaadeen qoraalka loo diray dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya.
Warqadda ayaa sidoo kale dhalisay mucaarado xoogan oo Golaha Mustaqbalka uga timid shacabka, oo lama filaan ay ku noqotay in dad doonaya inay dalka maamulaan ay haddana dalbanayaan in dib loogu noqdo marxalad ku-meel gaar ah.

