Dacwad ka dhan ah Mareykanka oo la geeyay maxkamadda ICC

Bookmark
Bookmarked

Share

Tehran (Caasimada Online) – Ururka Bisha Cas ee Iran ayaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) u gudbiyay warqad uu kaga dalbanayo in la baaro duqeyn Mareykanku ka geystay koonfurta Iran, taas oo lagu sheegay inay haleeshay goob ay ka socotay xaflad aroos.

Hay’adda ayaa sheegtay in weerarkaasi uu sababay dhimashada afar qof, oo uu ku jiro ilmo, halka 67 qof oo kale ay ku dhaawacmeen. Bisha Cas ayaa tilmaantay in khasaaraha uu sii kordhi karo.

Sida lagu sheegay warbixinta hay’adda, duqeyntu waxay dhacday Talaadadii abaare 9:30 fiidnimo xilliga maxalliga ah, iyadoo xaflad aroos ay ka socotay deegaanka Kohistak ee Sirek, halkaas oo ay isugu yimaadeen dad rayid ah.

Bisha Cas ayaa bayaan ay ku baahisay barta Telegram ku sheegtay in xaaladda qaar ka mid ah dhaawacyada ay tahay mid halis ah. Hay’addu waxay ka digtay in tirada dhimashada ay kordhi karto haddii xaaladda dhaawacyada culus ay kasii darto.

Warqadda loo diray ICC ayaa lagu sheegay in dhacdada ay u baahan tahay in si gaar ah loo baaro, maadaama goobta la weeraray ay ahayd kulan ay isugu yimaadeen dad rayid ah oo ka qayb-galayay xaflad aroos.

Ururka Bisha Cas ayaa ku dooday in dhacdadaasi ay dhalinayso su’aalo la xiriira waafaqsanaanta sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada. Sidaa darteed, wuxuu ururku ku baaqay in la sameeyo baaritaan madax-bannaan, dhexdhexaad ah, dhammaystiran oo wax-ku-ool ah.

Dhanka kale, milatariga Mareykanka ayaa sheegay inuu ka warqabo wararka la xiriira duqeynta iyo khasaaraha lagu soo warramay, inkastoo uu ku adkeystay in ciidamada Mareykanka aysan waligood si ula kac ah u bartilmaameedsan dadka rayidka ah.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay sii xoogeysanayaan iska horimaadyada u dhexeeya Mareykanka iyo Iran, iyadoo weerarrada labada dhinac ay sare u qaadeen walaaca laga qabo khasaaraha rayidka.

- Advertisement -

Read more

Local News