Dadka GEDO oo lagu soo rogay AMAR adag oo ka dhan ah kooxda Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka degmada Beledxaawo ayaa shacabka degmadaasi iyo deegaanada ku dhow dhow kusoo rogay amar ka dhan ah Al-Shabaab oo ku xoogan Gedo deegaano ka tirsan.

Taliyaha Nabad sugidda Jubbaland iyo maamulka Degmada Beledxaawo ayaa si wadajir ah u shaaciyay digniin ka dhan ah dadka shacabka ah ee u xukun doonta deegaanada Al-Shabaab ay ka maamulaan Gedo.

Masuulyiinta ayaa sheegay in seddex kun oo doolar “$3000” lagu ganaaxi doono ciddii la ogaado inay u xukun doonatay Al-Shabaab ama la macaamiishay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Beledxaawo oo amarkaasi kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in wanaagsan ah uusan dhex oolin Al-Shabaab iyo maamulka degmada, islamaraakana aan la aqbali doonin inay macaamiil tamaan Al-Shabaab iyo shacabka.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa dadka degmada Baladxaawo waxaa soo wajahay cabsi, kadib markii ay Al-Shabaab kusoo dhawaadeen, waxaana jirta in Maamulka degmada uu ku amray Xaasaska Al-Shabaab inay degmadaasi isaga baxaan.

Waxaanan ogeyn sida amarkaasi uu u dhaqan geli doono, maadaama Al-Shabaab ay canshuur ka qaadaan dadka deegaanka sidoo kalana aysan cabsi amni darteed diidi karin amarka iyo u yeeritaanka Al-Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com