Dagaal aad u xoogan oo weli ka socda magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Dagaal u dhexeeya Ciidamada Puntland iyo Galmudug ayaa waxa uu iminka ka socdaa Galbeedka Magaalada Gaalkacyo.

Dagaalka ayaa waxaa leysu adeegsanayaa Hubka culus waxaana Galbeedka magaalada laga maqlayaa qeybaha kala duwan ee Hubka aadka dadka u gumaada.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii xiisada u dhaxeysa Puntland iyo Galmudug ay sii korortay, taasina ay sababtay in labada dhinac uu markale Dagaalkooda ka Qarxo halkaasi.

Rasaasta ayaa waxaa bilaabay Ciidamada Galmudug waxaa xigay Hubka culus oo Ciidamada Puntland ay kusoo jawaaben.

Xaalada ayaa ah mid kacsan waxaana suuragal ah in Dagaalka uu caawa hakat gali waayo maadaama gurmad uu goordhow kala gaaray labada dhinac.

Dagaalka Qarxay ayaa kusoo beegmay xili maanta ay ahayd in la kala qaado Ciidanka walow aan talaabadaas horay loo qaadin waxna ka hirgalin.

Lasoco wixii kusoo kordha wararkeena danbe

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com