Dagaal ay ciidan cadaan ah ka qeyb qaadanayaan oo ka socda gobolka Sh/Hoose

Afgooye (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Bariire ee gobolka shabeellaha hoose ayaa sheegaya in iminka halkaa uu ka socdo dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada dowlada oo garab ka helaaya kuwa AMISOM iyo maleeshiyaadka Shabaab oo dhinac ah.

Dagaalka ayaa waxaa lasoo warinayaa inay qeyb ka yihiin ciidamo cadaan ah, kuwaa oo garbinaaya ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.

Dagaalka socda ayaa yimid kadib markii ciidamada dowlada ay saaka weerar dhowr jiha ah ku qaaden deegaanka Bariire.

Deegaanka Bariire ee uu hadda ka socdo dagaalka ayaa qiyaastii 30KM u jira degmada Afgooye, waxaana sidoo kale halkaa ku qulqulaaya gaadiid dagaal oo aad u farabadan.

Ciidamada ayaa dagaalkooda ku bilaabay Hubka culus oo lagu asqeeyay ilaa laba Saldhig oo ay Shabaabka ku leeyihiin deegaanka Bariire.

Sidoo kale, ciidamada ayaa lasoo sheegayaa inay la wareegen mid kamid ah Saldhigyada la weeraray, waxaana weli socda dagaal culus oo lagu doonaayo in Shabaab looga saaro deegaanka Bariire.

Geesta kale, waxaa lasoo sheegayaa in dagaalka uu ka dhashay khasaaro kala duwan, inkastoo aan ilaa iyo hadda la ogeyn heerka uu gaarsiisan yahay khasaaraha.

Caasimada Online
Xafiiska Afgooye
Caasimada@live.com