Dagaal culus oo caawa ka dhacay…

Qansaxdheere (Caasimada Online) War hadda soo dhacay wuxuu sheegayaa in caawa dagaal xooggan uu ka dhacay deeganka Qansaxdheere ee gobalka Baay.

Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan goobaha lagu dagaalamay ayaa Shabakadda Caasimada Online u sheegay  in dagaalka uu billowday salaadii Maqriba kaddib, waxaana la isku adeegsaday ayey lee yihiin hub culus.

Dagaalka  ayaa la sheegay in uu billowday markii Al-Shabaab ay weerar ku qaaday saldhigyo ay joogeen ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia ee ku sugan Qansaxdheere. wuxuuna socday muddo labo saac, mana cadda khasaaraha soo kala gaaray labada dhinac waayo xilliga waa habeen.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxa dhinacyada ku dagaalamay Qansax dheere.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Al-Shabaab ay soo weerarto gobalka Baay tan iyo markii ciidamada dowladda Ethiopia ay ka baxeen magaalooyin ku yaalla gobalka Baay oo ku jirto Baydhabo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho