DAGAAL culus oo dhacay iyo Gaadiid la gubay.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal culus oo leysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxa uu ka qarxay deegaano hoostaga Gobolka Shabellaha Hoose.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu u dhexeeyay Ciidamada AMISOM iyo Maleeshiyaadka Al-shabaab waxa uuna xoogiisu ahaa mid ka dhacay inta u dhexeysa Buulo-mareer iyo Golweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Maleeshiyada Al-shabaab ay weerar ku qaaday Kolonyo gaadiid dagaal oo ay la socdeen Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan AMISOM xili ay marayeen inta u dhexeysa deegaanada Buulo-mareer iyo Golweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalkaasi uu ka dhashay khasaaro aad u baaxad weyn, waxaana lasoo warinayaa in Maleeshiyaadka Al-shabaab laga gubay gaadiid dagaal, halka tiro Ciidamo ahna lagu dilay dagaalka.

Labada dhinac ayaa kala sheeganaaya guulo, inkastoo dadka deegaanadaasi degan ay xaqiijiyeen inay arkayeen Gaadiid ay wateen Al-shabaab oo holcaaya iyo Ciidamo labada dhinac ah oo Meydkooda daadsanaa wadooyinka.

Dhanka kale, waxaa hadda degan xaalada waxaana halkaasi isku fidiyay Ciidamada AMISOM oo bilaabay baaritaano xoogan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com