Dagaal culus oo ka socda gobolka Hiiraan (Warbixin)

Beledweyne (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu iminka ka socdo degaanka Beerxaano oo ka tirsan Gobalka Hiiraan.

Dagaalka oo aad u xoogan ayaa waxaa lasoo sheegayaa inuu u dhexeeyo ciidamada xooga oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab oo dhinac ah.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dagaalka leysu adeegsanayo Hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo dhawaqa rasaasta iyo Madaafiic laga maqlayo tuulooyin ka agdhow goobta uu dagaalka ka soconayo.

Gaadiid dagaal oo gurmad u ah ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa ku qulqulaaya goobta dagaalka, waxaana lasoo sheegayaa in dagaalka uu aad u xoogan yahay.

Xaalada degaanka ayaa waxaa ay tahay mid aad u kacsan, iyadoona Ciidamada xoogga iyo kuwa AMISOM ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wadaan degaano hor leh oo ku yaala duleedka Magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan.

Dhianaca kale, waxaan ilaa iyo hada la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, wallow la maqlaayo dhawaqa gaadiidka gurmadka ee daabula dhaawacyada.

Caasimada Online

Xafiiska Beledweyne

Caasimada@live.com