Dagaal qaraar oo ka dhex qarxay Al-Shabaab iyo ciidamada Ethiopia

Muqdisho (Caasimada online) – Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada Alshabaab iyo ciidamada Ethiopia ayaa ka dhacay gobolka Galgaduud e bartamaha Soomaaliya.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamada Ethiopia ay weerar gaadmo ah kala kulmeen ciidamada Alshabaab, kaasi oo ahaa mid dagaal xoogan isku badalay.

Dagaalka xoogiisa ayaa ka dhacya inta u dhaxeyso degmada Ceelbuur iyo deegaanka Dacda waxaana la sheegay in ciidamada Ethiopia oo wadada ku safrayay ay dagaalkaasi Al-shabaab kala kulmeen.

Cabdi Biyo Quute oo ah gudoomiyaha degmada Ceelbuur ayaa sheegay in dagaalka xoogan uu sababay dhimashada dagaal yahano Alshabaab ka tirsan.

Baraha Warbaahineed ee Alshabaab ayaa dhankooda lagu baahiyay in dagaalka gaadiid dagaal lagu gubay ciidamo badanna lagu dilay.

“Walaal dagaal ayeey ku soo qaadeen ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom oo howlgal ka wada inta u dhaxeysa Dac iyo Ceelbuur, marka iyaga unbaa Khasaare lagu gaarsiiyay saddex nin ayaa laga dilay meydkooda meesha ayuu yaalaa, wax la qarinaayo ma jirto anaga hal Askari ayaa naga dhaawacmay.” Ayuu yiri Guddoomiyaha Ceelbuur.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com