Dagaal dhiig badan uu ku daatay oo ka dhacay..

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo kawada tirsan DFS ayaa ku dagaalamay Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo kaasi oo ka dhacay gudaha magaalada.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii garab kamid ah ciidamadaasi ay arrin qaldan ku sheegen dil Afar maalin ka hor magaalada loogu geystay Sargaal horay uga soo goostay maleeshiyaadka Al-shabaab.

Garab kamid ah ciidamadaasi oo ka carooday dilka Sargaalkaasi ayaa weerar culus ku qaaday Saldhiga Degmada Baardheere, waxaana halkaasi ka dhashay dagaal Khasaare dhimasho iyo dhaawac geystay.

Inta la ogyahay hal askari ayaa ku geeriyooday dagaalkaasi tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen oo shacab iyo Askar intaba isugu jirta.

Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay Barakac xoogan oo ay sameynayaan dadka deegaanka kuwaasi oo walaac kasoo foodsaaray in dushooda lagu dagaalamo.

Ciidamada ayaa wali ah kuwo is horfadhiya waxaana la soo warinayaa in maamulka Gedo uu ku gacanseeray kala qaadista ciidamada is horfadhiya.

Dhanka kale, Sarkaalka la dilay ee maleeshiyada Al-shabaab kasoo goostay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Faarax Cali Cabdi (Hariye).

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com