Dagaal hub iyo gaadiid lagu kala furtay oo caawa ka dhacay magaalada Marka

Afgooye (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Al-Shabaab oo caawa ka dhacay magaalada Marka ee gobolka Shabellaha Hoose.

Dagaalkan oo aad u xooganaa ayaa bilowday kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaaden magaalada xilli guud ahaan ammaanka magaalada ay gacanta ku hayeen Ciidamada Xoogga.

Ciidamada dowlada ayaa iska difaacay maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana lasoo sheegayaa in laga furtay hub iyo gaadiid ay uga dhex carareen gudaha magaalada.

Sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga ee ku sugan magaalada Marko ayaa sheegay in Al-Shabaab ay caawa dagaalka uga dileen 11 Maleeshiyo, halka ay gacanta uga dhigeen Hub isugu jira qoryo, rasaas iyo gaadiid dagaal oo qoryo ay ku xiran yihiin.

Sarkaalkan ma uusan sheegin dhankooda wax khasaare ah oo soo gaaray, balse wuxuu tilmaamay in hada xaaladdu tahay mid degan.

Warar madax-banaan ayaa sheegaya in ciidamada dowlada looga dilay dagaalka Afar Askari oo ka tirsan ciidamadii ku sugnaa goobaha la weeraray.

Dhinaca kale, Maleeshiyada Al-shabaab ayaa sidan oo kale dhammaadkii bishii August ee sanadkan waxa ay u weerareen magaalada Marko, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Caasimada Online

Xafiiska Afgooye

Caasimada@live.com