Dagaal ka dhex qarxay Al-Shabaab iyo DAACISH

Kismaayo (Caasimada Online) – Laba garab oo ka wada tirsan Ururka Al Shabaab, ayaa waxay shalay ku wada dagaalameen Degmada Xagar Ee Gobolka Jubbada Hoose. Garabyadan ayaa kala taageersan Ururada Al Qaacidda & Daacish.

Garab ka mid ah, ayaa soo weeraray garabka kale, waxaana xaalad kacsanaan ah caawa laga dareemayaa Degmadaasi, iyadoona laga cabsi qabo in markale ay foodda is daraan.

Dagaalkii maanta, ayaa ahaa mid si iskiis ah u istaagey, waxayna dhinacyadaasi ay weli isku horfadhiyaan Degmada Xagar, waxayna dadka deegaanku soo sheegayaan in suurtagal tahay markale, in ay garabyadaasi wada dagaalamaan.

Waxaa adag in macluumaad sax ah laga helo inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha labadaasi garab ka soo kala gaaray dagaalkii maanta, ay isaga horyimaadeen Gobolka Jubbada Hoose.

Toddobaadkii hore, ayay ahayd markii ay ku wada dagaalameen duleedka Degmada Saakow, waxaana ku dhimatay illaa sagaal nin oo dhinacyadaasi ka wada tirsan.

Afhayeenka Guud Ururka Al Shabaab, Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), ayaa laba toddobaad ka hor sheegay in gacmaha la qaban doono, kuwa doonaaya in Shabaabku kala qaybiyaan, sida uu yiri.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com