Dagaal ka dhex qarxay Al-Shabaab iyo DAACISH

Kismaayo (Caasimada Online) – Dagaal qasaaro geystay una dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan Alshabaab ayaa ka dhacay deegaanka Gambare oo kamid ah deegaanada hoostaga degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan Alshabaab kuwaasi oo isku dagaalamay kasii mid ahaanshaha urur weynaha Al-qaacida iyo in Alshabaab ku biiraan kooxda khilaafada islaamiga ah ee Daacish,  waxaana dagaalka ku dhintay xubno Alshabaab ka tirsan.

Inta laga warhayo ku dhawaad shan kamid ah dhinacyadii ku dagaalamay deegaanka Gambare ee gobolka Jubada Dhexe ayaa ku dhintay dagaalkaasi ku saleysan kala aragti duwanaanshaha xubno ka tirsan Alshabaab.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in iska hor imaadka uu ku dhintay sarkaal sare oo magaciisa lagu sheegay Sheikh Bashiir oo ka tirsanaa ururkii Al-itaxaad.

Bilihii lasoo dhaafay waxaa jiray kala aragti duwanaansho ay qabeen qaar kamid ah saraakiisha ururka Alshabaab, waxayna taasi sababtay in xubno ka tirsan Alshabaab oo ku sugan buuraha Galgala ku biiran kooxda khilaafada islaamka ee Daacish.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com