Xiisad colaadeed oo ka taagan qeybo ka mida gobolka Mudug

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya deegaano dhowr ah oo hoostaga Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhexeysa beelo walaalo ah oo halkaasi wada dega.

Deegaanada ay xiisada ka taagan tahay ayaa waxaa kamid ah sida Hanro , Warshubo iyo deegaano kale.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in mid kamid ah beelahaasi ay adeegsaneyso ciidamo ka tirsan dowlada, halka beesha kalane ay adeegsanayaan maleeshiyaad aan taabacsaneyn dowlada iyo maamuladuba.

Xiisadda ayaa cirka isku shareertay saacadihii ugu danbeeyay waxaana laga cabsi qabaa in xiisada ay qeyb ka noqoto maleeshiyaadka Al-shabaab oo iyagu dilal halkaasi ka geysta.

Deegaanada aan kor kusoo xusnay ayaa waxaa iminka ka socda Hub uruursi waxaana laga cabsi qabaa in wakhti waliba halkaasi uu ka dhaco dagaal.

Dhanka kale, qeybo kamid ah Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, ayaa waxaa ka socda barakac xoogan oo ay sameynayaan dadka deegaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com