Dagaal lagu kala furtay gaadiid oo ka socda Gedo iyo Shabaab oo la wareegay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal Culus ayaa waxa uu iminka ka socdaa Duleedka Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu u dhexeeyo ciidamada dowlada oo garab ka helaaya kuwa Kenya iyo Maleeshiyaadka Al-shabaab kaasi oo leysu adeegsanaayo Hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii maleeshiyada Al-shabaab ay weerar gaadma ah ku qaaden Saldhigyo Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Duleedka Degmada Ceelwaaq.

Dagaalka oo weli socda ayaa la sheegay inuu ka dhashay khasaaro xoogan oo soo kala gaaray labada dhinac walow aan weli la shaacain maadaama Dagaalka uu weli halkaasi ka socdo.

Warar kaasi ka duwan ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-shabaab ay dagaalka kula wareegen Degmada Ceel-waaq iyo Saldhiga ay halkaasi ku lahaayen ciidamada.

Ciidamada Kenya iyo kuwa Dowladda Somalia ayaa Magaalada uga baxay Dhanka Xaduuda Kenya.

Dhinaca kale waxaa weli socda dagaalka waxaana sidoo kale la tilmaamayaa in ciidamada Kenya ay duqeymo ku sameeyen goobta uu dagaalka ka socdo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com