Dagaal lagu laayay Al-Shabaab farabadan oo dhacay + Warbixin

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa Dagaal culus oo ka dhacay deegaano hoostagga Degmada Buurhakabo ee Gobolka Baay, kaasi oo u dhexeeyay ciidamada Koonfur galbeed iyo maleeshiyaadka Al-shabaab.

Dagaalka ayaa waxa uu khasaaro kasoo gaaray labada dhinac, waxaana ku dhintay ugu yaraan 6ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah.

Dagaalka ayaa ka danbeeyay kadib markii ciidamada maamulka ay weerar gaadmo ah ku qaaden Deegaanka Buur Eyle oo saldhig u ah maleeshiyaadka Al-shabaab.

Maxamed Nuur Cabdi oo ah Guddoomiyaha Degmada Buurhakabo ee Gobolka Baay, ayaa sheegay in ciidamada maamulka ay cashir u dhigeen maleeshiyaadka.

Maxamed Nuur Cabdi, waxa uu farta ku goday in duulaanka ay ku hormareen ciidamada maamulka, isaga oo dagaalka ku tilmaamay mid guul ah.

Dhanka kale, dagaalka ayaa kusoo beegmaaya xili deegaanada Koonfur Galbeed muddo afar maalin ay ku jirtay bandow.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com