Xog: Dagaal lagu laayay ciidamo Ethiopian ah oo ka dhacay Xudur

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalkaani oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu u dhexeeyay ciidamada maamulka Koonfur galbeed oo garab ka helaaya kuwa ethiopia iyo maleeshiyaadka Al-shabaab oo dhinac ah.

Dagaalka xoogiisa ayaa ka dhacay duleedka Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, gaar ahaan Degaanka Moorogaabeey, waxaana leysu adeegsaday Hubka culus iyo kuwa fudud.

Dagaalka oo ahaa rogaal celis ayaa waxaa lagu dilay laba Askari oo ka tirsan ciidamada ethiopia iyo Seddex taabacsaneyd dhanka maamulka Koonfur galbeed.

Dagaalka ayaa waxaa dhanka Al-shabaab looga dilay ilaa Afar dagaalyahaano, iyadoo sidoo kale looga dhaawacay Seddex dagaalyahaano.

Dagaalka ayaa waxaa qaaday ciidamada Koonfur galbeed iyo kuwa ethiopia oo la wareegay Degaanka Moorogaabeey.

Geesta kale, Ciidamada is garabsanaaya ayaa weli gacanta ku haya Degaanka Moorogaabeey oo qiyaas ahaan 45Km dhanka waqooyi uga beegan Magaalada Xudur.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com