Mekelle (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Tigrayga ayaa Sabtidii ku eedeeyey ciidamada federaalka Itoobiya inay weerar cusub ka billaabeen Galbeedka Tigrayga, xilli ay sii xoogeysaneyso cabsida laga qabo in dib loo galo dagaalkii dhiigga badan ku daatay ee gobolkaasi.
Warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka Tigrayga ayaa lagu sheegay in Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya ee ENDF ay waaberigii weerar ku qaadeen dhanka Shererina ee Galbeedka Tigrayga.
“Dagaal furan ayaa billowday waaberigii hore ee saaka, kaas oo ku wajahan dhanka Shererina ee aagga Galbeedka Tigrayga,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Maamulka Tigrayga ma uusan faahfaahin khasaaraha ka dhashay iska hor-imaadka ama baaxadda ciidamada ku lug leh, mana jirto illaa hadda xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan dagaalka lagu sheegay bayaanka.
Dowladda federaalka Itoobiya iyo taliska ciidamada dalka ayaan sidoo kale si degdeg ah uga jawaabin eedeymaha. Isku-dayo lagu doonayey in faallo looga helo xafiiska xiriirka dadweynaha ee ENDF iyo adeegga isgaarsiinta dowladda Itoobiya ayaan lagu guuleysan.
Maamulka Tigrayga ayaa weerarka ku tilmaamay qayb ka mid ah cadaadis ballaaran oo ay sheegeen in Addis Ababa ku hayso gobolka, oo ay ku jiraan go’doomin, xayiraado dhaqaale iyo weerarro loo adeegsado diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
TPLF, oo ah xisbiga awoodda ugu weyn ku leh Tigrayga, ayaa sidoo kale Xisbiga Barwaaqada ee Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ku eedeeyey inuu gobolka ka fulinayo siyaasado ay ku tilmaantay “xasuuq”.
Eedeymahaas ma aysan taageerin caddeymo madax-bannaan oo cusub, halka dowladda Itoobiya ay hore u beenisay inay bartilmaameedsato dadka rayidka ah ee Tigrayga.
Heshiiskii Pretoria
Xiisadda cusub ayaa halis gelin karta Heshiiskii Pretoria ee bishii November 2022 soo afjaray dagaalkii laba sano socday ee u dhexeeyey dowladda federaalka iyo ciidamada Tigrayga.
Dagaalkaas, oo billowday bishii November 2020, ayaa sababay dhimashada dad aad u badan, barakac ballaaran iyo xaalad bani’aadannimo oo aad u daran.
Heshiiska nabadda ayaa dhigayay in colaadda la joojiyo, hubka culus laga dhigo ciidamada Tigrayga, adeegyada aas-aasiga ah dib loo soo celiyo, isla markaana dowladda federaalka ay dib ula wareegto awoodaha dastuuriga ah ee gobolka.
Hase yeeshee, fulinta qaybo muhiim ah oo heshiiska ka mid ah ayaa dib u dhacday, gaar ahaan arrimaha ku saabsan Galbeedka Tigrayga, soo celinta dadka barakacay iyo ka bixitaanka ciidamada aan federaalka ahayn ee ku sugan deegaannada lagu muransan yahay.
TPLF ayaa dowladda federaalka ku eedeysay inay jebisay heshiiska, iyadoo xaddiday adeegyada bulshada, joojisay shidaalka iyo lacagta caddaanka ah, isla markaana hakisay adeegyada bangiyada iyo qoondadii miisaaniyadda gobolka.
Waxay sidoo kale sheegtay in dowladda uu hoggaamiyo Abiy Ahmed ay tan iyo markii ay talada qabatay dadka Tigrayga u geysatay “nooc kasta oo dambiyo caalami ah”.
Dowladda Itoobiya ayaan si degdeg ah uga jawaabin eedeymahaas cusub.
Xiisad sii kordheysa
Xiisadda ayaa sare u sii kacaysay bilihii la soo dhaafay, iyadoo TPLF ay marar badan ku eedeysay dowladda federaalka inay ciidamo ku ururinayso hareeraha Tigrayga, ayna isu diyaarineyso dagaal kale.
Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa dhankiisa TPLF ku eedeeyey inay xiriir la sameysatay Eritrea iyo Sudan, si loo wiiqo dowladda dhexe iyo xasilloonida Itoobiya.
Abiy ayaa eedeyntaas ka jeediyey khudbad uu dhawaan ka hor jeediyey baarlamaanka, iyadoo xiriirka Itoobiya iyo Eritrea uu sii xumaanayey, isla markaana ay kordhayeen walaaca laga qabo isku dhac cusub oo ka dhaca waqooyiga dalka.
Hoggaamiyaha TPLF, Debretsion Gebremichael, ayaa 19-kii July kulan dadweyne oo ka dhacay magaalada Mekelle ka sheegay in Tigraygu uusan kaligiis ku ahayn khilaafka uu kala dhexeeyo dowladda federaalka.
“Inkastoo aan nafteena ku tiirsannahay, haddana kaligeen ma nihin. Waxaan leenahay xulafo doonaya inay meesha ka saaraan nidaamkan,” ayuu yiri Debretsion, isaga oo aan caddeyn cidda ay yihiin xulafada uu tilmaamayo.
Wuxuu sidoo kale sheegay in nabad waarta aan lagu gaari karin wada-hadal oo keliya, isaga oo ku baaqay in Tigraygu xoojiyo awooddiisa ciidan.
Hadalladaas ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in labada dhinac ay dib ugu laaban karaan dagaal, inkastoo aysan jirin dhinac si rasmi ah u shaaciyey inuu ka baxay heshiiskii nabadda.
Bayaankii Sabtida, TPLF waxay dadka Tigrayga ee gudaha iyo dibadda ugu baaqday inay isu diyaariyaan waxa ay ku tilmaantay difaaca gobolka.
Baaqa ayaa si gaar ah loogu jeediyey ciidamada amniga, bulshada rayidka ah, culimada iyo hay’adaha diinta, iyadoo dadka rayidka ah lagula taliyey inay qaadaan tallaabooyin taxaddar ah.
TPLF waxay sidoo kale beesha caalamka ugu baaqday inay si degdeg ah uga falceliso xaaladda, iyadoo ka digtay in dagaal dib uga qarxa Tigrayga uu sababi karo masiibo bani’aadannimo iyo xasillooni-darro hor leh oo saameysa Itoobiya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

