Dagaal maryo dhiig leh leysu furtay oo Ciidamada dowlada & kuwa Kenya ku dhexmaray Gedo

0

Kismaayo (Caasimada Online)-Dagaal u dhexeeyay ciidamo taabacsan dowlada iyo kuwa Kenya ayaa waxa uu Saaka ka dhacay Gobolka Gedo, kaa oo leysu adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka oo markiisa hore ku bilowday qaab kala shaki ah ayaa markii danbe la sheegay inuu ballaartay, kadib markii ciidamada dowlada ay heleen gurmad.

Ciidamada Kenya oo bilaabay rasaasta ayaa ka soo tilaabay Xadka dhinaca Ceel-waaq waxeyna gudaha u soo galeen magaalada iyada oo uusan jirin wax ogeysiis ah.

Ciidamadan Kenyanka ah ayaa qeyb ka ah ciidamada la dagaalanka Argagixisada, waxaana lasoo sheegayaa inay soo xirteen wajiyada kadibna ay Gaadiidkooda kusoo xirteen Calamada Madow ee lagu yaqaan Al-shabaabka.

Mid kamid ah Saraakiisha ciidamada Xooga ee Gobolka Gedo ayaa yiri ‘’Ciidamadan Kenyaanka ah waxa ay magaalada soo galeen iyagoo aan nasoo wargalin sidaa ayey ciidamada dowlada isku difaaceen dagaalkuna ku bilowday’’

Waxa uu intaa raaciyay ‘’Waxa ay wateen gaadiid dhowr ah ciidamaduna waxa ay xirteen wajiyada kadibna gaadiidka ayay dusha sare uga xireen calamo madow oo shaki dhaliyay hade ciidamaduna wey iska difaaceen waayo dhaqanka Al-shabaabka ayay doonayeen inay noo isticmaalan’’

‘Askartii Kenyaanka ah ee aan ku aragno labiska iyo dhaqanka Al-shabaab dabcan waxaan ula dagaalami doonaa sida Al-shabaab waayo isagaa isku ekeysiiyay cadaowga iyagaana dusha saran doona mas’uuliyada’’

Ciidanka Kenya oo iyaga laftirkooda qabay cabsi ku aadan iney dhexda u galeen Shabaab ayaa markii ay arkeen Ciidanka Dowladda oo wadada u fadhiya rasaas ooda kaga rogay, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal uu khasaaro ka dhashay.

Sidoo kale, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dagaalka uu ku geeryooday Gaashaanle Dhexe Maxamed Aadan Yuusuf (Ilka Case) oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan Gobolka Gedo.

Geesta kale, lama oga heerka uu gaarsiisan yahay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawaca ah, waxaana la xaqiijinayaa in Meydad iyo dhaawacyo badan la dhigay Isbitaalka weyn ee Gedo.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com

SHARE

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.