Dagaal dhiig ku daatay oo maanta ka dhacay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal khasaaro kala duwan sababay.

Dagaalka ayaa waxa uu u dhexeeyay Ciidamada Dowlada iyo Maleeshiyaadka Al-shabaab oo dhinac ah.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaaden Kolonyo gaadiid oo ay la socdeen Ciidanka dowladda Somalia oo u kala gudbayay deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Col Max’ed Cumar Aadan Gaduudow oo kamid ah Saraakiisha ayaa sheegay in dagaalamayaal dhowr iyo taban gaaraya ay ka dileen Al-shabaab, islamarkaana dhankooda aanu wax khasaaro ah ka soo gaarin dagaalkaasi.

Al Shabaab dhankooda ma jiro wax war ah oo ay ka soo saareen dagaalkaani u dhexeeyay iyaga iyo Ciidanka dowladda Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com