DAGAAL saacado badan qaatay kadib Al-Shabaab oo la wareegtay Deynuunay

Daynuunay (Caasimada Online) – Dagaal saacado badan qaatay ayaa ciidamada Itoobiya ee ka tirsan howlgalka Midowga Africa ee AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ku dhex maray Deegaanka Daynuunay oo Magaalada Baydhabo u jirta qiyaastii 26km.

Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar qorsheysan oo seddex jiho ah kusoo qaaday saldhigga ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Daynuunay, wuxuuna dagaalka oo ahaa mid la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan soo gaaray illaa barqaddii Maanta.

Dhawaqa hubka la isku adeegsanayey dagaalka ayaa waxaa laga maqlayey meel aad uga fog fog halka uu dagaalka ka dhacay, wuxuuna geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac  oo soo gaaray ciidamadii dagaalamay iyo dad shacab ah oo ku noolaa deegaanka.

Dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa guulo ka kala sheegtay dagaalka, iyadoo saraakiil ka tirsan ciidamada Koonfur Galbeed oo dagaal qeyb ka ahaa ay sheegeyn inay iska difaaceyn weerarkii qorsheysnaa ee kaga yimid dhinac Al-Shabaab.

Saraakiishaas ayaa sheegay inay jab xoog leh gaarsiiyeen xubnihii ka tirsanaa Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday, inkastoo aysan sheegin tirada rasmiga ah.

Dhinaca kale, Al-Shabaab oo dhankooda ka hadlay dagaalka ayaa waxaa ay sheegeen inay la wareegeen Saldhigyada Ciidamada dowladda ee deegaanka Daynuunay kadib weerar culus oo ay ku qaadeen.

Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya ee qeybta 60-aad ayaan weli si faahfaahsan uga hadlin dagaalka, waxaana aad u yar wararka laga heli karo dagaalka kadib markii isgaarsiinta hawada laga saaray.

Qaar ka tirsan dadka deegaanka ayaa sheegay inuu dagaalka istaagtay, inkastoo aysan jirin cid si rasmi ah u xaqiijin karta cidda gacanta ku heyso saldhigii lasoo weeraray.

Dhinaca kale weerar culus ayaa lagu qaaday laba saldhig oo ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmooyinka Xudur iyo Waajid balse lama oga khasaaraha ka dhashay weeraradaasi.