Wararkii ugu dambeeyey dagaalka ciidamada DF iyo Ahlu-Sunna ee GURICEEL

Guriceel (Caasimada Online) – Wararka laga helayo degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in uu istaagay dagaal u dhaxeeyey ciidanka dowladda iyo kuwa Ahlu-Sunna Wal-jamaaca, kaas oo geystay khasaaro xooggan.

Dagaalka ayaa billaabmay kadib markii ciidamada Ahlu-Sunna ay qaadeen weerar ka dhan ah cidiamada dowladda ee ku sugan saldhigga booliiska magaalada Guriceel, ayaga oo ka carreysan dagaalka Dhuusomareeb.

Wariyeyaal ku sugan degmada Guriceel ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaaladii ka dhacay degmadaas ay ku geeriyoodeen saddex Askari oo ah dhinacyadii dagaalamay, ayada oo saddex kalena ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada Ahlu-Sunna ayaa muddo kooban la wareegay gacan ku haynta magaalada, ayada oo ciidamada dowladda loo riixay dhanka bari ee magaalada.

Si kastaba, ciidanka dowladda ayaa daqiiqado kadib soo qaaday weerar kale, waxaana lagu warramayaa in hadda ay si buuxda gacanta ugu hayaan saldhigga.

Waxaa gebi ahaan xiran goobaha ganacsiga ee degmada, iyada oo xiisada iyo dagaalka si weyn looga dareemay degmada Guriceel iyo tuulooyinka hoostaga.