29.9 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Dagaal u dhexeeya ciidamada dowlada oo goor dhow ka qarxay….

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo Dagaal u dhaxeeya ciidamada Militariga iyo Booliska.

Wararku waxa ay sheegayaan in Dagaalka uu yahay mid salka ku hayo arimo ku saabsan muran ka taagan magacaabista Taliyaha Saldhiga Booliska Magaalada Baledweyne.

Dagaalka ayaa dhacay kadib markii ciidamo ka tirsan militariga oo doonaya shaqsi ka mid ah ciidanka Booliska in loo magacaabo Taliyaha Saldhiga ay weraren Saldhiga.

Ciidamada Militeriga ayaa rasaas ooda uga qaaday ciidamada Booliska ee halkaa ku sugnaa waxaana sidaa ku bilowday rasaas xoogan oo labada dhinac ah.

Dagaalka ayaa waxa uu hadda ka socdaa meel aanan ka fogeyn Saldhga Booliska Baledweyne, waxaana socda rasaas xoogan.

Dhinaca kale, waxaan ilaa hadda la ogeyn heerka uu gaarsiisan yahay Khasaaraha waxaana weli socda rasaas xoogan.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News