Dagaal culus oo u dhexeeya Al-Shabaab iyo ciidamada DF oo ka socda Hiiraan

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo xoogaga Al-Shabaab uu haatan ka socdo duleedka degmada Matabaan, kaas oo la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa ka dhashay, kadib markii ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay howlgal ku qaadeen deegaanka Qabno oo hoostaga degmada Matabaan ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaad u dhexeeya labada dhinac uu ka qarxay halkaasi, kaas oo geystay khasaare kala duwan, sida ay shaaciyeen ilo dadka deegaanka ah.

Ciidamada weerarka qaaday ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay gudaha u galeen deegaanka Qabno oo ay barkoontarool oo lacago ay ku qaadaan ku leeyihiin Al-Shabaab.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan dagaalkaasi, gaar ahaan howlgalka ay ka wadaan duleedka degmada Matabaan.

Weerarkan ayaa waxaa ka horreeyey qarax saaka wariyeyaal iyo ciidamo uu horkacayey gudddoomiyaha gobolka Hiiraan lagula beegsaday agaarka degmada Matabaan, waxaana qaraxaas ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan afar qof oo laba ka mid ah ay shacab yihiin ayaa lagu dilay qaraxaas, seddex kale oo laba wariye ay ku jiraana waa lagu dhaawacay. Dadka dhintay waxaa ay ahaayeen laba askari, darawalkii gaariga iyo nin farsamo yaqaan ah.

WariyEyaasha dhaawacmay oo ka tirsan Telefishinka maamulka HirShabelle ayaa kala ah Khaalid Muxumed Cismaan (Ikacase ) iyo Cabdikariim Maxamed Siyaad.

Hiiraan ayaa ka mid ah meelaha ay ku xoogan yihiin dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab, waxayna ka fuliyaan weeraro toos AH iyo qaraxyo geysta khasaare kala duwan.