Dagaal uu dhiig badan ku daatay oo goordhow dhacay

Muqdisho (Caasimada Online)-Dagaal xoogan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay duleedka degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose kaasi oo u dhexeeyay Ciidamada AMISOM oo garab ka helaaya kuwa Jubba iyo Maleeshiyada Al-shabaab oo dhinac ah.

Dagaalka oo leysu adeegsaday hubka culus ayaa waxa uu ka danbeeyay kadib markii Maleeshiyaadka Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaaden fariisimo Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin duleedka Degmada kaasi oo markii danbe isku rogay dagaal fool-ka-fool ah.

Dagaalka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Ciidamada Maamulka Jubba oo garab siinaayay kuwa AMISOM waxa uuna dagaalkaasi qaatay ku dhawaad laba saac oo xiriir ah.

Dagaalkii maanta ka dhacay Afmadow duleedkeeda ayaa waxaa warbaahinta Muqdisho u xaqiijiyay Saraakiil iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland oo sheegay in dagaalka jab xoogan lagu gaarsiiyay Al-shabaab, sida ay hadalka u dhigeen.

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa bartooda Internetka ku sheegtay in khasaaro ay ku gaarsiiyeen Ciidamada Kenya oo weerar ay kula qaadeen duleedka degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaasi ka dhashay, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in Ciidamada Kenya ee AMISOM iyo kuwa Jubba ay gacanta ku hayaan Meydad ay leeyihiin Al-shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com