DAGAAL culus oo ka dhacay gobolka BAKOOL.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal xoogan oo khasaaro kala duwan geystay.

Dagaalka ayaa u dhexeeyay Ciidamada Militeriga Somalia, AMISOM iyo Maleeshiyaadka Al-shabaab oo dhinac ah, waxa uuna dagaalka ka dhacay Nawaaxiga Degmada Waajid.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Al-shabaab ay weerar ku qaaden fariisimo ay lahaayen Ciidamo ka kala tirsanaa Dowlada iyo kuwa AMISOM.

Inta la xaqiijiyay dagaalka ayaa waxaa ku dhintay 4 kamid ahaa Ciidamada Militeriga, halka Maleeshiyaadka Al-shabaabna dagaalka looga dilay 4 maleeshiyo oo kamid ahaa kuwii weerarka soo qaaday.

Maleeshiyada Al-shabaab ayaa wali gacanta ku heyso qeybo ka mid ah Gobolka Bakool ee Koonfurta Somalia.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa muddooyinkan dambe waxey howlgallo lagu baacsanayo Al-shabaab ka wadeen degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Bakool.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com