XOG: Dagaal xooggan oo dhacay iyo meydadka kooxda Al-Shabaab oo wadooyinka lagu arkayo

Muqdisho (Caasimada Online)-Dagaal xoogan oo u dhexeeya Ciidamada Dowlada oo garabsanaaya kuwa AMISOM iyo Maleeshiyaadka Al-shabaab oo dhinac ah ayaa waxa uu mar kale saacado ka hor ka dhacay deegaan Hoostaga degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Dagaalka oo aad u xooganaa ayaa yimid kadib markii Ciidamada Huwanta ay weerar culus ku qaaden deegaan lagu Magacaabo Misirre oo hoostaga degmada Diinsoor halkaas oo ay ku sugnaayeen Maleeshiyada Al-shabaab.

Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada Dowlada ayaa sheegay in weerarkaasi ay Maleeshiyada uga dileen ugu yaraan 11 dagaalyahan, halka ciidamaduna uu kaga geeriyooday 1 Askari oo kaliya.

Sugow Cali Xasan oo isna kamid ah Saraakiisha Ciidamada Dowlada ayaa sheegay in Howlgallada milatari ee ka dhanka ah Al-shabaab ay sii wadi doonaan iyagoo bartilmaameed ka dhigan doono deegaanada ay Al-shabaab-ku kaga sugan yihiin Gobolka Baay .

Dagaalkaani ayaa imaanaya xili Ciidamada Dowlada ay faarujinayaan deegaano ay kaga sugan yihiin Gobolkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com