Dagaallo culus oo ka dhacay Gedo

Baardheere (Caasimada Online) Dagaalo ayaa maalintii labaad waxa ay ka dhaceen deeganno ku yaalla gobalka Gedo.

Inta la ogyahay illaa 10-qof ayaa ku dhintay dagaalka maanta oo ka dhacay deegan lagu magacaabo Ceelo-Macow oo 20km u jira magaalada Garbahaareey ee gobalka Gedo.

Dagaalka ayaa waxa uu dhexeeyay ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa Ethiopia oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Hugunka rasaasta iyo madaafiicda ayaa laga maqlayay meelo fog goobaha lagu dagaalamayay, waxana dagaalka la sheegayaa in uu dhowr saacadood uu socday.

Si kastaba, dadka deeganka ayaa sheegaya in uu jiro khasaaro soo gaaray ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia ee ku sugan gobalka Gedo.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo gacanta ku heysa magaalooyinka  Buurdhuubo iyo Baardheere.

Sidoo kale ma jiro illo madax-banaan oo sheegaya inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay dagaalka oo aad u cuslaa.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan Gedo ayaa wacad ku maray in Al-Shabaab ay ka saari doonaan degmooyinka Buurdhuubo iyo Baardheere oo ah meelaha hadda gacantooda uu ku jiro gobalka Gedo.

Sidoo kale ma cadda khasaaraha soo gaaray ciidamada Ethiopia oo dagaalka qayb ka ahaa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho